Fahfaahin sida uu u dhacay weerarka Baardheere iyo khasaaraha

Image

BAARDHEERE, Somalia - Qof naftii hure ah oo watay gaari HOMY [Caasi], oo lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ismiidaamin ah ka fuliyay gudaha magaaladda Baardheere, ee gobolka Gedo kaasoo sababay khasaarooyin kala duwan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamida dadka degaanka, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qarax oo ka dhacay banaanka saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaaladda ay ku dhinteen 10 qof oo isagu jira shacab iyo Askar.

"Wuxuu ahaa Gaari Caasi [HOMY] ah, oo boor badan ma muuqday, waxa uu ka yimid meel fog oo gobolka katirsan, rasaas ayaa lagu riday markii uu ku dhawaaday saldhiga ciidanka, kadibna waa uu qarxay," ayuu yiri Goobjoogaha, oo magaciisa sababo amniga uga gaabsaday.

Nuur C/llaahi, oo kamida saraakiisha booliska degmada ayaa sheegay in gaariga lagu soo raray khudrad, si aan looga shakin, sidaasina uga soo gubay baraha Koonatarooladda ciidanka ay ku sugan yihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna intaasi ku dartay in ay ku dishay 16 Askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan.

"Rasaas ayaa lagu riday gaariga kahor inta uusan soo gaarin albaabka saldhiga," ayuu yiri Nuur, oo la hadlay Wakaaladda wararka Reuters.

Baardheere oo ah degmo muhiim ah oo katirsan gobolka Gedo ayaa laga saarey Al Shabaab bishii July, 2015.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta mudo 10 sano ah dowladda Somalia iyo AMISOM, iyadoo maamusha qeybo badan oo kamida dalka, waxaana ay weeraro joogto ah ka fulisaa magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM