Fahfaahin: Sidee ayay u dhaceen qaraxyadii xalay gilgilay Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo fiidnimadii Axada ruxay magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya, dalka dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Xamarwayne gaar ahaan dhabarka dambe ee Iskaashatada Gaadiidka ee nawaaxiga Madaxtooyadda.

Goobta qaraxaan laga soo wariyay waxaa sidoo kale ka akdhow Huteelo uu kamid yahay Muna iyo Beerta Nabadda.

Sidda uu sheegay Booliska, ma jiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaasi oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamida caasimada.

Taliska Bileyska ayaa shaaciyey in lasoo xiray darawalkii waday gaariga qarxay iyo laba qof oo la tuhunsan yahay.

"Gaariga wuxuu ahaa NOAH. Qaybta dambe ayuu aad uga burburay," ayuu yiri goobjooge diiday in magaciisa la baahiyo.

Dhanka kale, qarax labaad ayaa ka dhacay xaafada Buula Xuubey gaar ahaan Iskuul Jabuuti ee degmada Wadajir.

Meesha uu shilkaan ka dhacay ayaa ku dhow isgoyskadda Soobe, halkaasi oo mar uu ka dhacay qarax galaaftay nolosha in ka badan 700 ruux.

Kooxda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa dusha laga saarey mas’uuliyadda dhacdooyinkaan.

Illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in labadaan qarax ay isla socdeen, isla markaana hal bartilmaameed oo aysan shaacin ay lahaayeen.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya xili 50 maalmood ay kasoo wareegatay markii maamulka gobolka Banaadir uu caasimada geliyay xaalad degdeg ah, isla markaana howlgalo culus ay ka soconayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM