Fahfaahin: Wasiirka Gaashaandhiga DFS oo la kulmay Muktaar Roobow

Image

XUDUR, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Somalia, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa gaarey magaalada Xudur, ee gobolka gobolka Bakool.

Safarka Wasiirka iyo Saraakiisha kale ay ku tageen Xudur, ayaa yimid markii uu Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur", uu saaka isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmadaasi.

Wasiirka Gaasdhaandhigga ayaa Mukhtaar Roobow kula kulmaya xarunta maamulka degmada Xudur, iyadoo ay Kulanka ay ka qeybgalayaan Mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo isna magaalada ku sugan ayaa kamid ah Madaxda la kulamaya Mukhtaar Roobow, oo la filayo in maanta gelinka dambe loo soo duuliyo magaalada Muqdishu.

Isasa soo dhiibidda Mukhtaar Roobow ayaa timid markii Al shabaab ay ku weerartay deegaankii uu ku sugnaa ee Abaal, oo 18KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Roobow ayaa kasoo baxay Al shabaab 2013 markii ay is khilaafeen Axmed Godane, oo xilligaasi beegsi ku hayay hogaamiyaasha sare ee Kooxda, oo kasoo horjeestay fekerkiisa.

Mareykanka ayaa bishii June ka saarey Roobow Liiska Argagaxisada, waxaana uu ka qaadey $5 Million oo madaxiisa taallay, kadib markii ay dowladda Federaalka ka dalbatay, si loo fududeeyo wahadal u socday.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM