Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image

 

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoog leh ayaa goordhaw laga maqlay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya xilli wadooyinka ay ku dibadbaxayaan arday ka caraysan Imtixaanka la baabi'iyay.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ka dhacay xarunta degmada Wardhigleey, oo ku dhaw Villa Somalia.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamida Caasimadda, iyadoo cirka isku shareeray qiiq iyo uur madow, waxaana soconaya rasaas xoogan, oo ay ridayaan ciidamada ilaalada xarunta degmada.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah falal amni darro oo ka dhacaya Muqdisho, oo ah xarunta ay degan tahay dowladda Federaalka, sidoo kalena ay ku sugan yihiin ciidamo ajnabi ah oo xafiisyada madaxda sare ilaalinaya.

Lama oga illa hadda khasaaraha ka dhashay weerarka, balse gaadiidka gurmadka ayaa goobta gaarey oo u daabulaya dhaawacyada Isbitaallada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM