Falcelinta Beesha Caalamka ee jadwalka cusub ee doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Mareykanka ayaa bogaadisay qaabka uu kusoo gabagaboobay wadaxaajoodyada arrimaha doorashooyinka ee hogaamiyeyaasha Soomaalida ay ku yeesheen Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in Washington ay sidoo ale soo dhaweyneyso jadwalka cusub ee kasoo baxay wadahalada ka dhacay caasimada.

Sida ku xusan bayaankan ku qornaa luuqadda English-ka, hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay doorashooyinka soo aadan ku qabtaan sida ku xusan jadwalka oo ah muddo 92-casho/maalin ah.

"Waxaan na soo gaartey gabagabadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka waxaana ku boorineynaa sii wadida wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ah si loo soo gabagabeeyo doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, oo hufan iyadoo la raacayo waqtiga loo dejiyey," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ammaanay natiijada kasoo baxdey wadahadalada madaxda Soomaalida, waxaana ay adkeeyeen in heshiiska loo fuliyo sida uu dhigayo jadwalka.

"Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu xisaabta ku darsadey gabagabada shirka Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka; waxay dhiirigalinaysaa wadashaqeynta joogtada ah ee wanaagsan ee ka dhaxeysa hogaamiyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ahsi wax looga qabto arimahan loona taageero howlaha horyaala loona gaarsiiyo qaranka doorashooyinka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Geesta kale, dowladda Ingiriiska oo bogaadisay jadwalka cusub doorashooyinka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqdey sida ay muhiim u tahay in la dardargeliyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa habraacaas.

"Boqortooyada Ingiriiska wuxuu heshay akhbaarta dhamaadka shirka hogaamiyaasha Soomaalida ee Golaha Wadatashiga Qaranka, iyo dadaalka sii socda ee lagu abuurayo is afgarad ku saabsan wadada soo socota. Waxaan rajeyneynaa in si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo u dhacdo doorashada dhowaan, oo ay ka qeybgalaan haweenka macno leh," ayay tiri.

Taageerada Beesha Caalamka ayaa muhiim u ah geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya maadaama ay yihiin kuwa bixinaya deeqda lagu maalgelinayo coddeynta taasoo fududeynaysa shaqadda taala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM

Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 11:24AM