​Fargeeti oo looga adkaaday doorashada xubinta Aqalka hoose

Image

BAYDHABO, Somalia- Wasiirka maaliyadda xukuumadda waqtigeedu dhammaaday Maxamed Aadan Fargeeti, ayaa ku guul darraystay inuu kusoo baxo kursiga Aqalka hoose u matalaya beeshiisa, kadib markii uu loollan adag la galay labo murashax.

Kursigan oo la sheegayo inuu ahaa kii ugu adkaa, lacagta ugu badana lagu bixinayay, ayaa waxaa ku guulaystay Maxamed Macallin Yaxye oo helay 26 cod, halka Fargeeti uu helay 25 cod.

Waxaa la isla gaaray ilaa labo wareeg, iyadoo kii kowaad ku haray mudane kale oo helay kalsoonida labo Ergo.

Warar hoose oo warsidaha Garowe Online ka helay ilo la kalsoonyahay oo ku sugan magaalada Kismayo, ayaa sheegaya in codka qofkiiba lagu bixinayay lacag kabadan Shan Kun oo dollar.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aada, ayaa olole u ahaa ninka Guulaystay ee Yaxye.

Mudane Yaxye, ayaa kasoo mid noqday xukuumaddi KMG ahayd ee dalka Somalia soo martay.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa helay kuraasta ugu badan Aqalka hoose, waxaana maanta la doortay mudanayaal kale oo qaybtood horay ugasoo mid ahaayeen Barlamanka waqtigiisu dhammaaday.

Doorashadan ka socota maamullada dalka, ayaa waxay noqotay tii ugu musuqa badnayd, waxaana lacago xad dhaaf ah lagu bixinayaa kuraasta ay ku tartamayaa murashaxiinta iyadoo madaxda maamul goboleedyadu iyo kuwa Federaalka ee waqtigu ka dhammaaday ay ku hayaan faragalin toos ah.

Xildhibaanada Aqalka hoose ee lasoo xulo ayaa dooran doona madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamanka doorashada la filayo inay dhacdo bisha dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM