Fariinta Geelle ee Xildhibaanada: Shacabka ma idinka filayo is-qabqabsi

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la hadlay Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, maanta oo Axad ah.

Fadhiga mudanayaasha oo aan qayb ka ahayn kulamada caadiga ah ayaa waxaa uu ka qabsoomay xarunta tababarka ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo marti sharaf kale ayaa kasoo qaybgashay xafladda oo si wayn loosoo agaasimay.

Ugu horeyn, Geelle ayaa ka mahad-celiyay fursad loo siiyay in uu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee la hadlay sharcidejiyaasha dalka Soomaaliya.

"Waxa aan u farax-sanahay ayaa ah in aan noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee la hadla labada Aqal, iyada oo uusan shir-saneen baarlamaanka," ayuu yiri.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay wadasheynta, adkeynta dowladnimadda iyo difaaca dalka.

"Shacabka ma idinka sugayo is-qabqabsi," ayuu raaciyay Geelle, isaga oo umuuqda mid ka war-qaba khilaafka dhaxaleystay ee labada Golle.

Labada Aqal oo murankooda uu keenay in ay hakiyeen wadashaqeyntii ka dhaxeysay ayaa salka ku haya; ansixinta Miisaaniyada iyo siyaasada maamulada.

"Dambiga ugu horeeya oo aad qaadeysaan hadii aad Xildhibaano tihiin waa in aad marka hore soo doorateen xukuumada oo aad metashaan shacabka," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Ismaaciil Geelle ayaa ku tartarsiiyay Xildhibaanada in ay ka shaqeeyaan sidii dalka looga samata bixin meesha uu haatan joogo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM