Fariisin ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo la duqeeyay

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saqdii dhexe lagu duqeeyay fariisin ay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Bari ee Beledwayne.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay qaadeen weerarka lagu beegsaday fariisinkaas ku dhow xerada Iftin ee ku taala degaanka Ceel-jaale ee gobolka Hiiraan ee hoostaga maamul goboleedka HirShabelle.

Sidda ay xusayaan warbixino dhanka sirdoonka ah, saddex askari oo kamid ahaa kuwii ku sugnaa bartaas lagu hubiyey gaadiidka ayaa dhaawacmay.

Ciidamada Jabuuti ee jooga xerada Iftiin ayaa lasoo wariyey in dhankooda ay hoobiyeyaasha kaga jawaabeen tirro madaafiic kale oo waxyeelo sababay, wallow illaa iyo haatan aanan si dhab ah loo xaqiijin karin tirada khasaaraha.

Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay qaadeen howlgalo ay ku baacsanayaan dableydii falkaas ka dambeysay.

Ma jiro war ku saabsan duulaankan oo kasoo baxay dhanka xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa weerarada madaafiicda kordhisay bilooyinkii lasoo dhaafay iyadoo ka gaabisay qaraxyada gaadiidka ee ay ku beegsato saldhigyadda taasoo loo aaneeyay; howlgalada ciidaamda ama agab yari soo wajahadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM