Farmaajo “4.5 waa laga gudbayaa doorashada soo socota”

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia, ayaa maanta ka hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5 taasoo lagusoo dhisay dowladda hadda iyo kuwii ka horeeyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday in nidaamkan laga guuri doono islamarkaana doorashada soo socota shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan qofka ay jecelyihiin.

Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacay magaalada Muqdishu, wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay ka dhabayn doonto dhammaan ballan qaadyadii ay samaysay islamarkaana waddanka ku hagi doono tubta toosan.

“Waxaan ballanqaadayaa in laga gudbi doono nidaamka 4.5, waxaana doorashada soo socota codkooda dhibaan doona shacabka Somaliyeed,”Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay xaflad ay ku dabaal dagayeen ciidanka xoogga dalka Somalia oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tilmaamay in xukuumaddan hadda talada haysa ay muhiimadda koowaad siin doonto amniga iyo maal-gashiga, isagoo xusay inay kor u qaadi doonaan kaabayaasha dhaqaalaha Somalia.

Ballanqaadka Madaxweyne Farmaajo ee 4.5 ayaa kusoo aaday xilli dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh ku fashilantay inay Somalia gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah taasoo keentay in dalka ka dhacdo wax loogu yeeray “Doorasho dad-ban”.

Lama oga in Farmaajo hiigsigaas gaarsiin doono dalka, balse nidaamkan qabaliga ah ayaa looga guuray shirar ka dhacay magaalada Garowe sannadkii 2012 xilligaas oo waddanka Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM