Farmaajo “4.5 waa laga gudbayaa doorashada soo socota”

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia, ayaa maanta ka hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5 taasoo lagusoo dhisay dowladda hadda iyo kuwii ka horeeyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday in nidaamkan laga guuri doono islamarkaana doorashada soo socota shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan qofka ay jecelyihiin.

Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacay magaalada Muqdishu, wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay ka dhabayn doonto dhammaan ballan qaadyadii ay samaysay islamarkaana waddanka ku hagi doono tubta toosan.

“Waxaan ballanqaadayaa in laga gudbi doono nidaamka 4.5, waxaana doorashada soo socota codkooda dhibaan doona shacabka Somaliyeed,”Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay xaflad ay ku dabaal dagayeen ciidanka xoogga dalka Somalia oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tilmaamay in xukuumaddan hadda talada haysa ay muhiimadda koowaad siin doonto amniga iyo maal-gashiga, isagoo xusay inay kor u qaadi doonaan kaabayaasha dhaqaalaha Somalia.

Ballanqaadka Madaxweyne Farmaajo ee 4.5 ayaa kusoo aaday xilli dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh ku fashilantay inay Somalia gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah taasoo keentay in dalka ka dhacdo wax loogu yeeray “Doorasho dad-ban”.

Lama oga in Farmaajo hiigsigaas gaarsiin doono dalka, balse nidaamkan qabaliga ah ayaa looga guuray shirar ka dhacay magaalada Garowe sannadkii 2012 xilligaas oo waddanka Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM