Farmaajo “Ahmiyad gaar ah ayaan siinayaa Danyarta”

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah kahor intuusan saaka ka dhoofin magaalada Muqdishu.

Farmaajo ayaa dadkaas ka waraystay xaaladooda isagoo mid u gacan qaaday kuwaasoo u badnaa dumar iyo carruur.

Madaxweynaha ayaa u muujiyay naxariis wuxuuna ugu laab qaboojiyay in dowladdu taageero gooni ah u fidin doonto.

Madaxweynaha Somalia, ayaa dadkaas u geeyay Baco iyo Bustayaal, maadama lagu jiro xilli Roobaad, wuxuuna sheegay inaysan ka caajisi doonin sidii loo caawin lahaa.

Qoraal kooban oo ku faafiyay bartiisa Twitterka Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisu si daacad ah ugu adeegi doonto shacabka islamarkaana ahmiyad gooni ah iska saari doonto dadka danyarta ah.

“Waxaa iga go'an in aan si daacad ah ugu adeego shacabka Soomaaliyeed, ahmiyad gaar ahna siiyo danyarta,” Ayuu madaxweynuhu ku qoray bartiisa Twitterka.

Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli maalinkii labaad Muqdishu uu ka socdo shir golaha xukuumaddu uga hadlayaan dar-darin kalinta shaqada dowladda iyo u adeegista shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM