Farmaajo “Ahmiyad gaar ah ayaan siinayaa Danyarta”

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah kahor intuusan saaka ka dhoofin magaalada Muqdishu.

Farmaajo ayaa dadkaas ka waraystay xaaladooda isagoo mid u gacan qaaday kuwaasoo u badnaa dumar iyo carruur.

Madaxweynaha ayaa u muujiyay naxariis wuxuuna ugu laab qaboojiyay in dowladdu taageero gooni ah u fidin doonto.

Madaxweynaha Somalia, ayaa dadkaas u geeyay Baco iyo Bustayaal, maadama lagu jiro xilli Roobaad, wuxuuna sheegay inaysan ka caajisi doonin sidii loo caawin lahaa.

Qoraal kooban oo ku faafiyay bartiisa Twitterka Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisu si daacad ah ugu adeegi doonto shacabka islamarkaana ahmiyad gooni ah iska saari doonto dadka danyarta ah.

“Waxaa iga go'an in aan si daacad ah ugu adeego shacabka Soomaaliyeed, ahmiyad gaar ahna siiyo danyarta,” Ayuu madaxweynuhu ku qoray bartiisa Twitterka.

Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli maalinkii labaad Muqdishu uu ka socdo shir golaha xukuumaddu uga hadlayaan dar-darin kalinta shaqada dowladda iyo u adeegista shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM