Farmaajo iyo Geelle oo si wadajir ah xariga uga jaray Safaaradda Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti.

Wadooyinka ayaa xiran maalintii labaad waxaana la dhigay ciidamo boolis iyo miliatary isagu jira, iyadoo shacabka ay lugahooda maalayaan si ay goobahooda waxbarashada, caasimaadka iyo shaqooyinka u garaan.

Furitaanka Safaaradda cusub oo laga dhisay degmada Cabdicasiis waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka kala tirsan labada dowladood, diblumaasiyiin iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Geelle ayaa maanta la filayaa inuu ka qeybgalo furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacaysa xarunta tababarka ciidamada ee Jeneraal Kaahiye.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kuwaasoo ka howlagalaya gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM