Farmaajo oo talaabo u qaadey heshiis uu la galo Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadahadalo ayaa daaha gedaashiisa waxay ku dhexmareen Cabdirashiid Nuur Janan, wasiirkii amniga Jubaland, iyo Madaxtooyadda Soomaaliya, sidda uu fahansan yahay bogga Garowe Online.

Sidda ay GO u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, wadaxaajoodyadda ayaa haatan maraya gabagabo, waxaana suurtagal ah in saacadaha soo aadan uu Janan u soo wareego dhanka dowladda federaalka ee waqtiga ka dhacay.

Janan ayaa, sidda ay macluumaadyadda horudhaca ah caddeynayaan, waxaa lagu waddaa in ay soo galbiyaan ciidamo todobaadkii hore ay Villa Soomaaliya ku daabushay gobolka Gedo oo wajahaya colaad iyo abaaro ba'an.

Jubaland oo si adag u cambaareysay askartaas laga qaadey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku eedeysay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo "in uusan wali ka waantoobin hurinta dhiilo colaadeed".

"Inkasta oo is-afgaradka uusan ahayn 100%, saraakiil u jaranjeera Villa Soomaaliya ayuu wadahadalada lagalay Janan kuwaas oo la filayo in marka la dhameystiro heshiiska in ay si wadajir ah u midoobaan," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Lama ogga hadii ay si wadajir ah uga soo muuqan doonan warbaahinta madaxa-banaan ayna shaacin doonan midowga labadda dhinac.

"Wadahadal lamida kan Muqdisho"

Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ganafka ku dhuftay wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan in uu heshiis rasmi ah la gaarey Villa Soomaaliya.

"Wadahadal lamid ah midka ka socda Muqdisho ayaa inoo socda aniga iyo dowladda federaalka. Wali ma jiro wax aan isla meeldhignay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey iyo maamuladda ayaa shirar goos-goos ah ku yeelanaya caasimada Muqdisho si ay u soo afjaraan khilaafka doorashooyinka.

Shir shalay uu u muddeeyay Farmaajo ayaa fashilmay markii ka qeybgalkiisa ay ka gaabsadeen hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo xusay in aan laga talogelin ajandaha kulankaas.

Talaabadan ayaa haddii ficil ahaan la xaqiijiyo waxay dhinac u ridi kartaa dooda haatan hareysay is-mari-waaga daba-dheeraaday ee doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka oo qadiyadda gobolka Gedo ay tahay qodobka ugu culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM