Farmaajo iyo madaxda maamulada oo kalan horudhac ah yeeshay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha shanta maamul oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Khamiista maanta ah yeeshay kulan horudhac ah.

Shirka kahor, madaxdan horey si gooni-gooni isu arkay ayaa si wadajir ah uga qeyb-galay qaddo sharaf loogu sameeyay Madaxtooyada Qaranka.

Kulankaan horudhac ah ayaa imaanaya iyaddoo lagu wadday in maanta uu si rasmi ah u bilowdo wadahadaladii arrimaha doorashada 2020-21.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo is-araggaan horudhac ah kasoo saareen Villa Soomaaliya iyo maamulada ayaan lagu caddeyn goorta uu furmayo wadatashigaan ujeedkiisu yahay in looga heshiisyo laba qodo.

Labadaas qodob ayaa kala ah; nooca lagu galayo doorashooyinka soo aadan iyo waqtiga ay dhaceyso oo horey loo adkeeyay in ay xilligeeda ku dhacdo.

Ku dul-shaqeynta heshiiskii qabyadda ahaa ee Dhuusamareeb3 iyo abuurida is-afgaradyo cusub oo la fulin karo waa su'aalaha ku geedaaman shirka.

Villa Soomaaliya oo taageero ka haleysa Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xeerinaya go'aanadii Dhuusamareeb, halka dowladaha Puntland iyo Jubaland ay horey gabi ahaanba qaadaceen go'aanadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM