Farmaajo iyo Rooble oo loo diray digniin la xiriira doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble waa in ay ka waantoobaan talaabooyinka dhaawacaya kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashadda, sidda ay uga digtay Madasha Xisbiyada Qaran.

Isbaheysigan ay ku mideysan yihiin xisbiyada ay hogaamiyaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay in guddiyada doorashooyinka lagu daray xubno sirdoon iyo shaqaalaha rayidka dowladda.

"[Tani] waxay dhaawaceysaa kalsoonida lagu qabi karo hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Madasha kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Dhanka kale, bayaanka oo lagu qaadacay in xukuumadda ay soo magacowdo guddiga doorashooyinka xubnaha gobolada waqooyi ee baarlamaanka ayaa lagu xusay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in ay soo xusho.

"[Tani] waxay gef ku tahay nidaamka metelaada Dalka, isudheelatirnaanta iyo madaxbanaanida guddiyadda doorashooyinka," ayaa lagu warqada oo u muuqatay mid lagu soo qoray luuqad siyaasadeed oo aad u xoogan.

Farmaajo iyo Rooble ayay ku waaniyeen in magacaabida guddiyada loo maro habraaca 2016-kii isla markaana afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, looga dambeeyo guddiyada doorashada wakiiladda Somaliland.

"Madasha Xisbiyadda Qaran [MXQ] waxay kasii afeefaneysaa in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda ay qaadi doonan mas'uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo isqabqabsi geliya madaxbanaanida guddiyadda iyo natiijada doorashooyinka Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqa Madasha ayaa xoojinaya diidmo ay xoogaga siyaasadda saacadihii ugu dambeeyay ka muujiyeen guddiyadan si gaar ah xubnaha ka yimid Galmudug, HirShabelle iyo Somaliland oo Villa Soomaaliya ay maroorsatay.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Waxuu Madaxweynaha sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee dwladda Puntland

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 09:45AM

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM