​Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo kulmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan casho ah la qaaday Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah raggii doorashada ka qayb galay islamarkaana ku haray wareega labaad.

Inkastoo saxaafaddu dibaddu ka joogtay shirkaas hadana wararka laga helayo waxay sheegayaan inay kawada hadleen arrimo ku aadan xaaladda Somalia iyo sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada adag ee amni darrada iyo abaarta isugu jirta ee soo taagnayd waqti badan.

Warar hoose oo aan la xaqiijin karin ayaa sidoo kale sheegaya inay kawada hadleen arrimo ku aadan xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonto taasoo Shariif mudane Farmaajo kula taliyay inay noqoto mid tayo leh oo kafaalo qaada habsami u adeegidda shacabka mudada dheer tabaalaysnaa.

Kulankan waxaa sidoo kale Shariif ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushiisa ku aadanayd doorashada Somalia ee dhacda horaantii bishan taasoo uu ka guddoomay.

Shirkan labada mas'uul ayaa kusoo aaday iyadoo wax ka yar 24 saac ay ka harsanayd munaasabadda uu xilka kula wareegayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale waxaa is-aragan lagusoo beegay xilli wada-tashiyo faro badan ay kasocdaan magaalada Muqdishu taasoo beelaha Hawiye aad xusul duub ugu jiraan in qolo walba iyadu hesho xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia.

Magacaabista Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa la rumaysanyahay inay tahay caqabadda ugu adag ee soo wajihi doonta Madaxweynaha cusub.

Lama saadalin karo cidda uu u magacaabo xafiiskaas, balse waxaa loo badinayaa inuu booskan usoo magacaabo shakhsi ku cusub siyaasadda sida aan kasoo xiganay saraakiil ka agdhow Mudane Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM