Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka oo shir yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay Farmaajo kula shirsan yihiin Teendhada Afasiyooni oo ku dhow madaarka diyaaradaha Aadan Cadde.

Illo wareedyo waxay sheegayaan in diblumaasiyiinta ay madaxweynaha ka dhamaadey ku boorinayaan in si deg-deg ah uu dib ugu laabto wadaxaajoodyadda si loo helo heshiis horey loogu socdo.

Garowe Online oo la hadlay dad xog ogaal ah oo ay ku jiraan diblumaasiyiin heer sarre ah ayaa ogaadey in shirka ka socda Teendhada Afasiyooni uu dalbadey Farmaajo.

Codsiga Farmaajo wuxuu yimid markii uu ka war helay in diblumaasiyiintu ay ka tashanayaan qaabka ay u wajahayaan xaalada cakiran ee lagu eedeeyay in maamulkiisa uu abuuray.

"Intii kulanku u socday waxay dhinacyaddu kawada hadleen xaalada Muqdisho iyo walaaca dhanka ammaanka ee ka dhashay muddo kororsiga," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Warbixino qaar ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ay Farmaajo la wadaageen fariimo kama dambeys ah oo ay ka sideen dowladahooda ayna suurtagal tahay in ay fariimahaas qeyb ka ahayd cunaqabateynta iyo shaqsiyaadka ay saameyn karto.

Musharaxiinta ayaa soo xiray ololahooda doorashadda. Qorshe ay isugu kala qeybinayaan qeybaha magaalada ayay bilaabeen si ay ugu cadaadiyaan Farmaajo in uu doorashadda ogolaado.

Hub-uruursi xoogan ayaa laga dareemayaa caasimadda. Ciidamadda waxay u muuqdaan kuwa u kala qeybsamay mucaaradka iyo dowladda. Cabsida in gacan dhaco way sareysaa.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in maamulkiisa uusan diyaar u ahayn dagaal isla markaana wadahadal lagu qaboojiyo xasaradda.

"Dowladda waxa ay caddeysay in aaney cidna duullaan ku aheyn, ciddii tabasho siyaasadeed qabta waxa u furan waddooyin kale oo badan oo aan aheyn kaliya hurin colaadeed .Balaayo cid ku faaideysa ma jirto oo in ku filan waan soo taabannay. “Only the dead have seen the end of war," ayuu Twitter-ka ku daabacay.

Shirka Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo natiijadiisa aan wali si furan loo xaqiijin karin ayaa loo arkaa fursad kale oo dalka ka badbaadi kara colaad waase haddii isa soo dhowaanshiyo la helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM