Farmaajo: Ma aqbaleyno in uu 'cadow' qaato taako kamid ah biyaheena

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada.

Farmaajo ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka.

“Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.”

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan.

Sidoo kale, waxaa iyaguna madasha socod ku maray Shaqaalaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon.

Hogaamiyaha dalka Geeska Afrika dhaca oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaadey in dowladiisa aysan aqbalayn in "cadow" uu qaato taako kamid ah dhulka ama biyaha Soomaaliya.

"Muwaadinka aan dooneyno in waa midka aan ogolayn in la qaato dhulka waxna loo dhimo qaranimada dalka. Ma dooneyno mid ka shaqeynaya dhibaatada. Ma aqbali doono in la qaato taako kamid ah biyaha ama dhulkeena," ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo ay jirto xiisad u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi oo ku aadan xuduud dhul badeed, taasi oo mad-madow gelisay xiriirka labada dowladood.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa bisha September ee sanadkan waxaa la filayaa in ay dib u bilowdo dhageysiga dacwada ku saabsan kiiskan, oo ay Soomaaliya gudbisay sanadkii 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM