Farmaajo: Mucaaradka waxay qarka u saaran yihiin waali [DAAWO]

Image

NAIROBI- Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa mar kale wuxuu weerar afka ah uu ku qaaday mucaaradka dowladiisa, isaga oo ku tilmaamay “kuwa qarka u saaran waali”.

Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu ku sifeeyay xubnaha aragti ahaan kasoo horjeeda dowladiisa "siyaasiyiin xanaaq-san," isaga oo ku eedeeyay inay doonayaan inay kala qaybiyaan shacabka Soomaaliyeed, siduu hadalka uyiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynuhu ku dhaleeceeyay xubnaha mucaaradka ah inay ka dal-badeen saaxiibadda Soomaaliya in aanan la siinin dowladda haatan jirta wax dhaqaalo.

“Siyaasiyiinta careysan waqtigoodii wuu dhamaaday…Ayaamo horey waxay wadeen inay yiraahdee dowladda amniga way ku fashilantay, dalka waa la qabsaday…Taasi waa ushaqayn-wayday…Haday waxay bilaabeen inay yiraahdaan…nidaamkii dhaqaalaha waa fashilmay…Hay’ddaha dhaqaalaha caalamka ayaa leh dowladdaan waa mid nadiif ah, waa inaan dhaqaalo siino, balse iyagu waxay leeyihiin, ‘Maya yaan la siinin dhaqaale’ hadaan dowlada Soomaliya dhaqaale la siinin dalkaan side ayuu ujiri karaa,” ayuu Farmaajo is-waydiiyay isaga oo khudbad ujeedinaya jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Madaxwayne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka digay inay sii socoto talaabooyinka ay mucaaradka uga soo horjeedaan dowladiisa, taasi oo haatan jirtay muddo ku labo sano ku dhow.

“Dadka shakiga gelinaya Shacabka Soomaaliyeed yay u daney-nayaan, wax kale ma ahan, siyaasiyiinta xanaaqii baa ka batay….Marka qofku carado ka bato wuxuu qarka u saaran yahay waali..Shacabka Soomaliyeed inay intaasi ogaadaan baa loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Madaxwaynaha.

Hadalka Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa imaanaya maalmo kadib markii guddiga dhaqaalaha aqalka hoose ee Baraamka qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Dowlada lacag  Sucuudiga ugu deeqdey Soomaaliya la lunsadey madaama aysan ka muuqan misaaniyada Dowlada.

Waa markii labaad tan iyo markii la doortay bishii Febraayo, oo uu sidaan oo kale uu Madaxwaynuhu erayo kulul uu ku gano mucaaradka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladiisa, isaga oo sidaan oo kale weerar afka ah ugu qaaday horaantii sanadkaan 2018. 

DAAWO HADALKA MADAXWEYNE FARMAAJO KU WEERAREY MUCAARADKA

 GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM