​Farmaajo: Nidaamka 4.5 wuxuu simay Dadka aqoonta leh iyo kuwa Jaahilka ah [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in nidaamka qabiilka ee awood qeybisga Somalia 4.5 uu qayb ka yahay jahliga haysta Ummadda Somaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa daboolka ka qaadey in burburkii dalka laga dhaxlay hab xun, oo ah in qabiil wax lagu qeybsado kaasoo simay dadkii aqoonta lahaa iyo kuwii kale ee aan waqtiga galin inay cilmi bartaan.

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in markii uu dhacay burburkii dalka, oo loo cararay dibada, in ay isku darsameen dadkii aqoonta lahaa iyo kuwa baadiyaha ka yimid, lana waayay wax kala saaro heerkooda.

"Dadka aqoonta leh iyo kuwa aan lahayn, ma ahan kuwa siman, balse waxaa dad siman noqonayaan markii wax walba kusoo dhamaadaan, oo lagu saleeyo qabiilka 4.5," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyay Madaxweyne Farmaajo in Somalia ay heerka ugu hooseeya ay ka joogta dunida dhinac walba marka loo eego dunida hormartay, wuxuuna sheegay inay hadda diyaar u yihiin sidii looga leexan lahaa wadadii keentay bur-burka dalka.

Mudane Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shirka kowaad ee Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay shalay Xarunta Gaheyr, oo bishan ay ka guureen ciidamada AMISOM oo daganaa mudo 10 sano ah.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen xubnaha Guddiga Sare oo uu guddoomiye sharafeed u yahay Madaxweynaha, ayna xubno ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jaamacadda ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan 2017 Waxbarasho bilaash ah loo fidiyo arday kor u dhaafeysa kun oo ka kala imaan doona dhammaan gobollada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay korhdineyso miisaaniyadda Jaamacadda si dhallinyarada dalka ay u helaan adeeg waxbarasho oo hufan.

Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan oo ay maalgelin ku sameeyaan tacliinta si loo helo jiil ka caafimaad qaba qabyaaladda iyo xagjirnimada.

Jaamacadda oo dib loo hawlgaliyay sanadkii 2013 waxay haatan ka kooban tahay 10 kulliyadood iyada oo waxbarasho bilaash ah siisa arday kor u dhaafeysa 1,500 oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Jaamacadda Umadda ayaa waxa ay soo saartay aqoonyahanno iyo xirfadleyaal Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladihii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM