Farmaajo oo amar dul-dhigay taliska ciidamada Asluubta Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

Villa Somalia

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Maxaa laga filan karaa Shirka 10-ka May?

Dhinaca kale, xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo ra’iisul wasaarayaal hore.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 08:23AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM