Farmaajo oo saxiixay kuraasta Gobolka Banaadir ee BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Farmaajo ayaa Khamiista maanta ah saxiixay qaraarka muranka dhaliyey ee gobolka Banaadir xubno looga siiyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, Farmaajo ayaa qalinka ku duugay qaraarkan isaga oo cuskanaya go'aankii Aqalka Hoose uu ku meelmariyey xubnaha  13-ka kursi ah ee Golaha Shacabka ka helayo gobolka Banaadir.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu raaciyey: "Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed".

"Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi," ayaa lagu daray.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad".

Qaar kamid ah maamulada iyo xisbiyada mucaaradka ayaa kasoo horjeestay xubnaha Aqalka Hoose ku yeelanayo gobolka Banaadir ayaga oo cuskadey in aysan waafaqsan qaabka dastuurka qabyada ah xeerinayo in metelaada gobolka ay ku imaaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM