Farmaajo oo bilad sharaf gudooon siiyey mas'uuliyiin iyo saraakiil

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen isaga oo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda maadaama oo ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

Villa Somalia

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM