Farmaajo oo "bixiyey" amarka Haramcad lagu geynayo garoonka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku talagalay in uu ka shaqeeyo sidii dalka uu xoog ugu qabsan lahaa, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tibaaxay in Farmaajo aaminsan yahay "in uu qori caaradii kaliya uu baaqi kusii ahaan karo".

Sidda laga soo xigtay Warsame, talaabada uu Farmaajo ciidamadda ugu diray Gedo iyaddoo abaar ay ka jirto "waa caddeynta qorshaha uu maleegayo".

"Maxamad Farmaajo weli in uu xoog dalka ku qabsan karo ayuu aaminsan yahay, sababtoo ah shalay ciidan ayuu Gedo oo abaar iyo biyo la’aan ka taagan ka dejiyey," ayuu wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, siyaasi Warsame ayaa daaha ka rogay in Farmaajo uu bixiyey amar ciidamada booliska Haramcad lagu geynayo garoonka diyaarada Muqdisho, talaabadaa soo uu ka dhawaajiyey "in ay horseedi doonto qalalaase".

"Taliyaha Booliskana wuxuu ku amray in uu Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ciidankii Booliska ee kastamka ka qaado oo uu Haramcad Saadaq John hogaaminayo ku wareejiyo. Ma ninkaas ayaa nabad iyo doorasho doonaya?," ayuu is-waydiiyey Warsame oo ah mucaaradka ugu weyn ee Farmaajo.

Ciidanka booliska Haramcad waxay horey ugu lug-yeesheen weeraro lagu beegsaday siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxwayneyaal hore, ra'iisul wasaare hore iyo mudaneyaal baarlamaan – kuwaas oo hada musharaxiin madaxwayne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM