Farmaajo oo cadeeyay mowqifka Soomaaliya ee xaalada Suudaan

Image
Image
Image
Image
Image

KHAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Soomaaliya oo ku jira qaar kamida hogaamiyeyaasha Afrika ee uga qaybgashay dalka Masar shir ku saabsan xaalada Suudaan ayaa midnimo u muujiyay shacabka dhibaateysan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu ay ku garab taagan tahay dadwaynaha Suudaan "himilooyinka iyo doonista ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed."

Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirkaasi rajo wanaagsan ka muujiyey in xaalada kacsan ee Suudaan sida ugu dhaqsiyaha badan u degto, isla markaana kala dambeynta ay soo laabato.

Suudaan ayaa dhexda ka gashay qalalaaso siyaasadeed markii la afgambiyey Cumar Xasan Al Bashiir, madaxwaynihii 30-sano talada hayey, kaasi oo haatan xabsi ku jiray.

Hoos ka akhriso khudbada Farmaajo oo dhameystiran

Mudane Abdi Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika,

Mudanayaasha, Madaxweyneyshaasha, iyo Madaxda hoggaaminaysa wufuudda;
Mudane Musa Faqi, Madaxa Koomishinka Midowga Afrika,

Ugu horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan.

Maanta waxaan halkan u wada joognaa shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna saabsan xaaladda Dalka Suudaan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah.

Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Suudaan waxay si gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga.

Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda Suudaan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda.

Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u qaabbilsanaha Suudaan. Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM