Farmaajo oo cambaareeyay is-miidaamintii Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey "qarixii argagixisanimo" ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weyday weerarkaas is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaas ka badan.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ah taliyeyaa, mas'uul hore, ilaalada ra'iisul wasaaraha iyo shacab ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Ururka 6-aad ee guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa difaaca, nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna," ayuu Farmaajo yiri.

Farmaajo ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM