​Farmaajo oo casho u sameeyay Murashaxiintii la tartantay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho ah caawa la qaatay murashaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Somalia.

Kulan ka dhacay hotel Jazeera oo ah xarunta uu daganyahay mudane Farmaajo, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mahad-celin ku aadan guusha doorashada laga gaaray iyo qaabkii uu Madaxweynuhu u dhiiri galin lahaa saaxiibadiisa garabka siiyay mudadii loollanku socday.

Inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay cashadaas, hadana wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in xubnahaas kawada hadleen sidii horay loogu sii socon lahaa islamarkaana loo oofin lahaa in dalku yeesho xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amniga, abaaraha iyo dib u hishiisiinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen sidii qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isaga dhex-arki lahaayeen xukuumadda cusub waloow aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta arrintan.

Waa kulankii ugu horeeyay ee murashaxiinta ku bahoobay isbadal doonku yeeshaan doorashada Farmaajo kadib, waxaana lagusoo beegay maalin uun xilli dalka iyo dibadaba kasocdaan fantasiyo loogu dabaal dagayo guusha laga gaaray doorasho waqti badan qaadatay oo marxalado kala duwan lagasoo maray.

Mudane Farmaajo oo howlo badan horyaallaan ayaa laga sugayaa in caleemo saarkiisa kadib soo magacaabo Ra'isal wasaaraha dalka oo ay suxul duub ugu jiraan beelaha Hawiye.

Warar hoose ayaa tibaaxaya in qaar kamid ah beelaha ugu tunka weyn ee saamaynta kuleh siyaasadda loollan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen kursiga labaad ee dalka.

Tallaabadan ayaa noqonaysa caqabada ka hor imaan karta mudane Farmajo.

2012 doorashadii Xasan Sheekh ayaa la xasuustaa waqtigii uu lumiyay si uu usoo magacaabo Ra'isal wasaare taasoo loo aanaynayay cadaadis kaga imaanayay dhinaca qabaa'ilka iyadoo nidaamka hadda Somalia wax ku maamusho uu ku salaysanyahay 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM