Farmaajo oo dalbadey in AU soo farageliso muranka doorashada
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa hogaamiyaha DRC, Felix Tshisekedi , wuxuu waydiistey in uu soo farageliyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Madaxtooyadda dalkaas.
Intii uu socday kulan qaatay laba saac, Farmaajo ayaa ku booriyey Tshisekedi in uu adeegsado awoodiisa Midowga Afrika "si uu u fududeeyo geedi-socodka".
"Intii lagu guda jiray wadaxaajoodyo labo saac qaatey, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu codsaday in Madaxweyne Tshisekedi uu xilkiisa guddoonka AU u adeegaado si loo fududeeyo loona qaabeeyo wadaxaajood ay kawada qeybgalaan dhammaan daneeyayaasha ku lugta leh qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya," ayay Madaxtooyadda DRC warisay.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhankeeda waxa aysan wali xaqiijin dalabka Farmaajo kaasoo ku fashilmay in uu waddanka u horseedo marxalad kala guur nabdoon.
Balse, Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu dalbadey in Midowga Afrika soo farageliyo is-mari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya si gaar ah in ururku "fududeeyo geedi-socod horseeda wadahadalo".
Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku daabacay in Farmaajo uu kasoo laabanayo safarka DRC isaga oo "weji gabax lasoo kulmay".
"Farmaajo isagoo wajigabax kala soo kulmay safarkii uu ku tagay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo ayuu caawa Xamar ku soo laabanayaa," ayuu yiri mudanaha.
Sharci-dejiyaha ayaa intaas ku daray: "Waxaan soo xasuustay caawa heestii SAMIR ee ay ku luuqayn jireen Faadumo Maandeeq iyo Axmed Cali Cigaal ee miraheeda ay ka mid ahayd “Darraad diiraneydaa, shalay diracsaneydaa, maantana ku dabartoo danbaa kuu run sheegtee".
Codsiga Farmaajo ayaa kusoo hagaagaya xilli uu xoogeystay cadaadiska Beesha Caalamka ku saareyso madaxweynaha waqtiga ka dhacay in uu ka laabto muddo kororsiga labada sano taasoo 12-kii bishan uu si sharci daro ah ugu sameeyay Golaha Shacabka.
GAROWE ONLINE