Farmaajo oo "damacsan in uu dhiso" Maxkamada Dastuuriga ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu ku fekerayaa in uu yagleelo Maxkamada Dastuuriga si ay ugu sameyso qiil uu xukunka kusii joogo, sidda uu shaaciyey Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xilli uu si kulul u cambaareeyay talaabadda "sidda sharci daradda ah" uu Farmaajo ugu saxiixay todobada xubnood ee kamid noqonaya Golaha Adeega Garsoorka dalka.

"Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo," ayuu Facebook kusoo qoray.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Farmaajo wuxuu galay laba dambi oo dastuur ku tumasho la xiriirta.

"Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu xusay: "Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo. Sida muuqata maalmahan waxaan arki doonaa warqado badan oo taariikho hore (backdating) ah lagu saxiixay".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka la xiriira in madaxweyne Farmaajo uu xalay qalinka ku duugay qoraalkan.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa musharaxiinta waxay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ah, ayaga oo ku taliyey in la sameeyo Gole Kumeelgaar heer Qaran ah si ay u dhameystiraan heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM