Farmaajo oo dhameystiray Heshiiska Axmed Madoobe [XOG CUSUB]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa qabyo tiray heshiiskii bishii lasoo dhaafay uu Ra'iisul Wasaare Khayre uu kula soo galay magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Illo xog-ogaal ah oo ku dhaw Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Farmaajo uu kula heshiiyay Axmed Madoobe in doorashadda Jubbaland la qabto waqtigeeda, si xor iyo xalaal ah islamarkaana faragelin la'aan ah.

Waxa kaloo Madaxweynaha u balan qaadey Axmed Madoobe in Jubbaland ay hesho tageeradii horey dowladda Federaalka uga heli jirtay, taasoo la hakiyay markii uu khilaaf billowday, kuwaasoo ay kamid yihiin saanad ciidan iyo deeqaha dhaqaale ee caalamka uu siiyo Soomaaliya qeybta uga soo aado maamulka Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobada heshiiska uu kamid yahay in dib loo so celiyo shirarkii Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo looga hadlayo arrimaha qaranka, gaar ahaan amniga, dhismaha ciidanka iyo doorashooyinka 2020/2021.

Lama oga inuu hirgeli doono heshiiska lagu soo afjaray Khilaafkii siyaasadeed ee Villa Somalia iyo Jubbaland, iyadoo uu horey ay horey u jireen heshiisyo noocan ah oo aan mira-dhalin.

Dhanka kale, GO ayaa ogaadey inaysan jirin warar warbaahinta qaar ay baahisay oo ku saabsan in Axmed Madoobe markii uu yimid Muqdisho ay is khilaafeen Madaxweyne Farmaajo.

Khayre ayaa maalmo ku qaadatey inuu heshiiskan Kismaayo kula saxiixdo Ahmed Madoobe, waxaana labada mas'uul ay ka shaaciyeen 15-kii bishii lasoo dhaafay in lasoo afjaray khilaafkii Jubbaland iyo DF. [Halkan ka akhri warka]

Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu yahay gacanta midig ee Farmaajo ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyay heshiiskan ay dowladda la gashay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM