Farmaajo oo dhameystiray Heshiiska Axmed Madoobe [XOG CUSUB]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa qabyo tiray heshiiskii bishii lasoo dhaafay uu Ra'iisul Wasaare Khayre uu kula soo galay magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Illo xog-ogaal ah oo ku dhaw Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Farmaajo uu kula heshiiyay Axmed Madoobe in doorashadda Jubbaland la qabto waqtigeeda, si xor iyo xalaal ah islamarkaana faragelin la'aan ah.

Waxa kaloo Madaxweynaha u balan qaadey Axmed Madoobe in Jubbaland ay hesho tageeradii horey dowladda Federaalka uga heli jirtay, taasoo la hakiyay markii uu khilaaf billowday, kuwaasoo ay kamid yihiin saanad ciidan iyo deeqaha dhaqaale ee caalamka uu siiyo Soomaaliya qeybta uga soo aado maamulka Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobada heshiiska uu kamid yahay in dib loo so celiyo shirarkii Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo looga hadlayo arrimaha qaranka, gaar ahaan amniga, dhismaha ciidanka iyo doorashooyinka 2020/2021.

Lama oga inuu hirgeli doono heshiiska lagu soo afjaray Khilaafkii siyaasadeed ee Villa Somalia iyo Jubbaland, iyadoo uu horey ay horey u jireen heshiisyo noocan ah oo aan mira-dhalin.

Dhanka kale, GO ayaa ogaadey inaysan jirin warar warbaahinta qaar ay baahisay oo ku saabsan in Axmed Madoobe markii uu yimid Muqdisho ay is khilaafeen Madaxweyne Farmaajo.

Khayre ayaa maalmo ku qaadatey inuu heshiiskan Kismaayo kula saxiixdo Ahmed Madoobe, waxaana labada mas'uul ay ka shaaciyeen 15-kii bishii lasoo dhaafay in lasoo afjaray khilaafkii Jubbaland iyo DF. [Halkan ka akhri warka]

Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu yahay gacanta midig ee Farmaajo ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyay heshiiskan ay dowladda la gashay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM