Farmaajo oo "dhibaato" u horseedaya Soomaaliya"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanka dowladda madaxweyne Farmaajo ku shaacisay in ay ku qabaneyso doorashooyin hal dhinac ah waxay waddo qodxo leh u horseedeysaa Soomaaliya, sidda uu wariyey Wargeyska Al Ceyn.

Jaraa'idkan ayaa qormo uu ka diyaariyey go’aankaas ay xukuumadda waqtiga kasii dhacayo iclaamisay Sabtidii asbuucan ayaa faaladdiisa cinwaan uga digay 'Farmaajo wuxuu Soomaaliya u horseedayaa dhibaato".

Maqaalka oo la daabacay 9-ka bishaan Janaayo sanadka cusub 2021 ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu wiiqayo xasiloonida waddanka "oo silsilad ugu xiran damaca Farmaajo ku doonayo dib-u-doorasho".

Doorasho aan heshiis lagu ahayn

Kadib kulan ay Farmaajo iyo taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir kula yeesheen Villa Soomaaliya, ra'iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha Galmudug, Qoor-qoor, aya Sabtidii waxay ku dhawaaqeen go’aankaas.

Shirkaas lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee doorashooyinka 2020-21 waxaa qeyb ka ahaa hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Saddexdan maamul waxay daacad u yihiin dowladda Farmaajo.

Rooble iyo Qoor-qoor ayaa si wadajir ah u sheegay in go'aankaas ay qaateen "si aan waqti looga lumin shacabka". Talaabadan waxay ka dambeysay markii uu fashilmay dedaalkii ugu dambeeyay ee xalka loogu goobayey muranka.

Dedaalada waxaa wadday Qoorqoor kaasoo Garowe kula kulmay madaxda Puntland, Jubaland iyo xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta iskuna raacay qodobo loo gudbiyey Villa Soomaaliya si ay uga soo jawaabaan.

Qoor-qoor ayaa sheegay in jawaabta Villa Soomaaliya uu la wadaagay madaxda uu la kulmay balse dhankooda aysan kasoo jawaabin fariintiisa.

Hadii is-mari-waaga sii jiitamo isla markaana madaxda Soomaalida heshiin waydo, waxaa suurtagal ah in ay Beesha Caalamka soo farageliso.

Kala tag

Hasa ahaatee, sheegashadda Qoor-qoor waxaa siyaabo kala duwan u beeniyay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, Midowga Musharaxiinta iyo afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka, Cabdi Xaashi.

Madaxdan ayaa ka dhawaajiyey in Qoor-qoor uu ka been sheegay qodobadii ay isla meeldhigeen isla markaana ay siiyeen saddex casho oo uu Villa Soomaaliya ku ogoleysiiyo in ay miiska wadahadalka ula fariisato saamileyda.

Go'aanka dowladda ku shaacisay in ay ku hirgelineyso doorashooyin aan loodhameyn ayay tibaaxeen in uu horseedayo kala tag ayna khatar ku tahay midnimadda waddanka.

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo wasiirka warfaafinta kasoo noqdey dowladda Farmaajo ayaa ku eedeeyay hogaanka dalka in ay "iska wayneysiinayaan in ay wadaxaajood la galaan daneeyeyaasha.

Musharaxiinta ayaa xalay Muqdisho kula kulmay Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe. Dood adag ayay ka yeesheen arrimaha soo kordhay. Laftagareen wuxuu codsaday in kalkan fursad loo siiyo in uu dhameeyo khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM