Farmaajo oo dib boorka uga jafay qodob uu kal hore ololaha ku galay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Si uu mar kale u hanto shacabka, madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u soo celiyey jiliinkiisa waddaniyada xilli waqtiga doorashada ay gaabiga nagu hayso.

Isagoo ka qeybgalayey kulan dood ah oo lagu qabtay Muqdisho, madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale sheegtay in uu isagu tanaasulay mudadii uu socday shirkii arrimaha doorashooyinka 2020-21 ee lasoo xiray 17-kii September.

Talaabadaas ayuu xusay in uu u qaadey in ay soo faragelin shisheeye iyo in waddanka aanu kala tagin "maadaama mas'uuliyadeeda ay tahay".

Dowlado uusan magacaabin ayuu tilmaamay in ay ka faa'iidaan dhibka ay Soomaaliya ku jirto tan iyo burburkii oo uu aaminsan yahay in uu yahay "mid gacan ku sameys ah"; wallow uusan shaacin cidda ka dambeysa.

"Marka annaga ma dooneyno in lasoo farageliyo arrimaheena annagoo xalisan karna annagoo ah in meesha ay Soomaali taalo aysan ahayn wax kama ah; waxyaabihii nagu dhacaayey ma ahayn wax annaga dhexdeena ah waxay ahayd wax nagula kaacayey oo la qorsheeyay laakiin annagaa isku muuqana," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid qiil u yaalaya guuldarooyinka uu wajahayo.

Farmaajo ayaa kolkii hore wuxuu saaxada siyaasada uu sumcad kaga sameeyay aragti ku dhisan "Itoobiyaan diidnimo", balse arrintaas waxay soo gabagabowday markii loo doortay ninka haya xilka ugu sareeya dalka.

Ethiopia waqti xaadirkaan waa mid kamid ah xulafooyinka uu isku haleeyo maamulka Farmaajo, iyagoo qiil ka dhiganaya "isbedel ku yimid mowqifka Addis Ababa markii uu xafiiska la wareegay ra'iisul wasaare Abiy Axmed".

Abiy Axmed ayaa haatan wajahaya culeyso siyaasadeed gaar ahaan gobolka Amxaarada oo kasoo horjeeda dowladiisa isla markaana qabsaday doorasho u gaar ah markii dib loo dhigay coddeyntii guud ee heerka federaal.

Sikastay ahaato, Farmaajo oo mudadii doodu socotay ka meermaartay su'aallaha fashilka dowladiisa iyo in uu damaanad qaado iyo coddeynta soo aadan ka fogaaneyso musuq, ayaa u muuqda mid durba bilaabay ololihiisa doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM