Farmaajo oo diidey digniinta Baanka Aduunka ee heshiisyada shidaalka
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa olole xoogan ugu jira sidii qalinka loogu duugi lahaa heshiisyada shidaal ee Wasaaradda Batroolka la galeyso shirkadaha Liberty iyo Coastline, sidda uu ogaadey Garowe Online.
Farmaajo ayaa iska indha-tiraya digniin ay heshiisyadaas ka siiyeen Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka iyo Bangiga Aduunka oo ah in ay dharbaaxo ku noqon karaan geedi-u-socodka barnaamijka deyn cafinta dalka.
Soomaaliya ayaa haatan mareysa wejiga labaad ee geedi-u-socodka waxaana digniinta heshiisyadda ay la xiriirtaa wejiga shanaad ee barnaamijkaas.
Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, heshiisyadda oo isugu jira shidaal baaris, sahmin iyo qadis ayaa khuseeya xirmooyin ku yaala degaano dhaca maamul goboleedyadda kala ah; Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Mr Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay ayaa doonaya in heshiisyadan uu uga faa'iideysto in Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay u soo saaraan Xildhibaano taabacsan si uu ugu soo laabto doorashooyinka 2020-21.
Digniintii u dambeysay ayay wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Aduunka ka siiyeen Farmaajo habeenimadii xalay waqtigaas oo dabacsanaan uu muujiyey balse kalkii dambe uu cadaadis kaga yimid dhinacyada riixaya heshiisyada.
Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle uu xalay ku dhawaadey in jagada laga xayuubiyey markii uu si adag uga hor-yimid heshiisyadan kuna adkeystay in ay halis ku yihiin deyn cafinta.
"Xalay xataa waxay madaxdu ku sigatay in la baajiyo kooxda ka socota shirkadaha oo ku sugneyd Turkiga," ayay sheegeen illo wareedyada u waramay Garowe Online. "Saxiixa heshiiska waxaa la qorsheeyay in ay ka dhacdo qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan".
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda maamulada heshiisyadan khuseeyo ay dhankooda riixayaan in la saxiixo ayaga oo kaliya eegaya danahooda ku aadan lacagta lagu bixinayo saxiixa oo cadadkeeda saxda ah aan la hubin.
Sidda ku xusan sahmin ay 2019-kii sameeyeen shirkadaha Soma Oil & Gas iyo Spectrum Geo, shidaalka ugu badan ee Soomaaliya ayaa ku jira inta u dhaxeysa magaalooyinka Garad iyo Kismaayo, waana 100 bilyan oo fuusto saliid ah.
GAROWE ONLINE