Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Image

MUQDISHO - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Sabtidii ku eedeeyay dowladda federaalka inay isku dayeyso inay xaddiddo oo caburiso bannaanbaxyada la qorsheeyay inay ka dhacaan Muqdisho, isagoo ka digay in la hor istaago dibadbaxyo nabadeed ay noqon karto xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayaa yimid xilli dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay isku mari la’yihiin halka uu ka dhacayo bannaanbaxa Muqdisho. Dowladda ayaa amartay in dibadbaxa lagu qabto garoonka Koonis, halka mucaaradku ay ku adkeysanayaan inuu ka dhaco degmooyin kala duwan oo Muqdisho ah, gaar ahaan xaafadaha ay saameeyeen burburinta guryaha iyo murannada dhulka.

Bannaanbaxa ayaa salka ku haya caro dadweyne oo ka dhalatay barakacinta khasabka ah, musuqmaasuq la tuhunsan yahay, eex siyaasadeed iyo muranno la xiriira lahaanshaha dhulka caasimadda. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay shacabka ka rarayso guryahooda iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah, halka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in duminta loo sameynayo dib u soo celinta dhulka dowladda iyo hagaajinta qorsheynta magaalada.

“Waxaan ku biirayaa baaqyada loogu yeerayo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka fogaato tallaabo kasta oo lagu caburinayo shacabka Soomaaliyeed ee si nabad ah u muujinaya dhibaatada weyn ee ay la kulmeen muddadii uu talada hayay,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka. Wuxuu ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay ilaaliyaan badqabka iyo karaamada shacabka halkii ay fulin lahaayeen amarro uu ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya dastuurka iyo sharciyada dalka.

Wuxuu sidoo kale ka digay in isku day kasta oo lagu hor istaagayo ama si adag lagu xakameynayo dibadbaxyada ay horseedi karto isku dhacyo, dhaawacdo kalsoonida shacabka ee ciidamada ammaanka, isla markaana khatar geliso xasilloonida dalka.

Mucaaradka ayaa diiday goobta ay dowladda u asteeysay bannaanbaxa, waxayna sheegeen in isu soo baxyadu ka dhici doonaan degmooyin dhowr ah oo gobolka Banaadir ah. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale siyaasiyiin u kala magacaabay hoggaaminta bannaanbaxyada qaybo kala duwan oo Muqdisho ah.

Kooxda mucaaradka ayaa sheegtay inay diyaarsadeen ciidamo amni oo u gaar ah si ay u ilaaliyaan siyaasiyiinta iyo shacabka ka qeyb galaya dibadbaxyada, arrintaas oo sare u qaaday walaaca ay qabaan shacabka Muqdisho, kuwaas oo ka cabsi qaba in bannaanbaxyadu isu beddelaan isku dhac dhex mara ciidamada dowladda iyo kooxaha taageersan mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM