Farmaajo oo la-taliyihiisii ka dhigay agaasimaha Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade] inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, Fuursade ayaa waxa uu kamid ahaa lataliyeyaasha Farmaajo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo 2017-kii.

"Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo," ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Tani ayaa ka dhigan in mudada uu xukunka hayo Farmaajo in Villa Soomaaliya ay yeelatay shan agaasime kuwaasi oo afar kamida ah rag yihiin mid haweenay.

Fahad Yaasiin Daahir, oo ah gacanta midig ee hogaamiyaha dalka, ayay Aamina ka dhaxashay jagadaasi bishii Agoosto. Nuur wuxuu noqonayaa agaasimihii Shanaad.

War-saxaafadeedka Farmaajo laguma xusin sababta keentay xilka qaadista Aamina, taasi oo imaaneysa xili uu madaxweynuhu wajahayo culeys dhanka mucaaradka uga imaanaya.

Fahad Yaasiin ayaa waxa uu haatan yahay agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Lama hubo hadii Aamina xilka kale looga magacaabi doono xukuumada haatan jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM