Farmaajo oo la-taliyihiisii ka dhigay agaasimaha Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade] inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, Fuursade ayaa waxa uu kamid ahaa lataliyeyaasha Farmaajo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo 2017-kii.

"Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo," ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Tani ayaa ka dhigan in mudada uu xukunka hayo Farmaajo in Villa Soomaaliya ay yeelatay shan agaasime kuwaasi oo afar kamida ah rag yihiin mid haweenay.

Fahad Yaasiin Daahir, oo ah gacanta midig ee hogaamiyaha dalka, ayay Aamina ka dhaxashay jagadaasi bishii Agoosto. Nuur wuxuu noqonayaa agaasimihii Shanaad.

War-saxaafadeedka Farmaajo laguma xusin sababta keentay xilka qaadista Aamina, taasi oo imaaneysa xili uu madaxweynuhu wajahayo culeys dhanka mucaaradka uga imaanaya.

Fahad Yaasiin ayaa waxa uu haatan yahay agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Lama hubo hadii Aamina xilka kale looga magacaabi doono xukuumada haatan jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM