Farmaajo oo "faragelinaya" xubnaha guddiyada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa wuxuu faragelin ku haya xulista xubnaha guddiyada doorashadda gobolada waqooyi, sidda ay sheegeen siyaasiyiin.

Siyaasiyiinta oo shir jaraa'id ku qabtey magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa daaha ka rogay in Farmaajo uu doonayo in uu "gacantiisa kusoo qorto shanta xubnood ee kamid noqonaya guddiyaddaas".

Sida laga soo xigay qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta, Farmaajo ayaa mid-mid ugu yeeray wasiirada iyo odayaasha dhaqanka gobolada waqooyi "una sheegay in ay faraha ka qaadaan xubnaha uu isaga soo qorto".

"Tani waxay xadgudub iyo meel ka dhac een geed loogu soo gaban ku tahay heshiiskii ay gaareen xukuumadda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka," ayaa lagu yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Maamulka Farmaajo ee waqtigiisu dhamaadey ayay cod dheer ugu baaqeen in uu ka waantoobo "talaabooyinka uu haatan ku howlan yahay ee horseedi kara khilaafaad horleh iyo dib-u-dhac ku yimaada fulinta heshiiska".

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan eedeyntan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyada Soomaaliya. Isku-dayo Garowe Online ku doonayey in uu ku haleelo mas'uuliyiinta Villa Soomaaliya ayaanan guuleysan.

Guddiyada xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa qodobada is-mari-waaga ugu culus uu ka taagnaa doorashooyinka Soomaaliya, waxaana xal looga gaarey wadahadaladii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 27-dii bisha May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM