Farmaajo oo fariin kasoo saarey xasuuqii 14-ka October

Image
Shuhadada weerarkaas ayuu ku tilmaamay muwaadiniin mudnaa in ay helaan nolol qurux badan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii.

Falkaas ay argagixisadu ku bartilmaameedsadeen boqollaal shacab ah ayuu Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.

Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee "aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna".

"Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd," ayuu yiri.

Wuxuu hadaliisa ku daray: "Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan".

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen ciribtirka haraadiga argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

Fariinta Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli uu xafiiska joogo in ka badan hal sano isaga oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey isla markaana uu wajahayo eedeymo xukun jecel ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM