​Farmaajo oo fariin u diray dalalka Carabta

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub Somalia, ayaa codsi ku aadan xaaladda Somalia u diray waddamada ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta xilli uu magaalada Muqdishu kula kulmay safiirrada dalalkaasi u fadhiya Somalia.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulankaas ku guddoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay mas'uuliyiintaas ka sideen madaxda dalalkooda, wuxuuna intaas kadib kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo sidii looga caawin lahaa 5 arrimood oo amnigu ku jiro.

Mudane Farmaajo, ayaa codsaday in dowladdiisa gacanta lagasiiyo;

Abaaraha ka jira Somalia isagoo dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaataysan

In amniga laga caawiyo si dalka loogu soo dabaalo kala dambayn iyo xasilooni waarta

In maalgashi lagu sameeyo dalka isagoo amar ku bixiyay in safirrada jooga looga baahanayhay sidii ay uga shaqayn lahaayeen in shirkado carbeed maalgashi ku sameeyaan Somalia

In la taageero qorshaha dib u hishiisiinta qaranka Somalia

In dowladaha Carabta ay matalaan Somalia meel kasta oo ay joogaan islamarkaana xaqeeda iyo mudnaanteeda meel saaraan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wadashaqayn qoto dheer u dhex-mari lahayd dowladda Somalia iyo dalalka Carabta maadama Somalia ku jirto ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambayn uga mahadceliyay safiirrada iyo danjirayaasha shirkaas joogay siday uga soo qayb galeen kulankaas oo ka dhacay hotel Jazeera oo Madaxweynuhu si KMG ah ugu sii shaqaynayo maadaama aysan dhicin wali xil-wareejintii uu samayn lahaa  Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM