Farmaajo oo furay Kalfadhiga 4aad ee BF iyo Aqalka Sare oo qaadacay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowaladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u daah-furey kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka kadib xaflad ka dhacday Muqdisho.

Mas'uuliyiin sare, oo ay kamid yihiin Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, duqa Muqdisho, Eng Cabdiraxmaan Yariisow, Wasiirro, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Taliye-yaal ciidan ayaa ka qeyb-galay munaasabadda furitaanka kalfadhiga 4aad oo lagu qabtey xerada Iskuul Buluziyo.

Farmaajo ayaa ka jeediyay xafladda khudbad dheer oo uu uga hadlay amniga dalka, oo hadda faraxa ka baxay, horumarinta dhaqaalaha, xilli mas'uuliyiin badan musuq-maasuq loo xiray dhawaan iyo arrimaha dibadda, iyadoo gudaha khilaaf ka jiro.

“Waxaa guul inoo ah inaanu bilihii la soo dhaafay dadaal ku bixinnay ka qayb-qaadashada sidii loo soo afjari lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay dalalka Gobolka. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka, waxaana u gudbeynaa marxalad iskaashi," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay Twitter-ka Villa Somalia.

Kalfadhigii 3aad ayaa Gollaha Shacabka ku dhameystay khilaaf siyaasadeed iyo xilka qaadista gudoomiyihii hore, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ay Xildhibaanadu yeesheen 11 kulan oo kaliya intii u dhaxeysa March iyo May 2018.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood ayaa fasax ku jiray tan iyo 28-kii May, waxaana lagu dhaliilay inay ku milmeen Gollaha Wasiiradda, taasoo dad badan ay aaminsan yihiin inay wiiqayso la xitaabtanka Xukuumadda.

Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa ka biyo diiday inuu ka qeybgalo furitaanka kalfadhiga 4aad, xilli ay jirto cabasho xooggan oo ku aadan amaanka xarunta Senate-ka, oo Ciidamada AMISOM aan ilaalin. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM