​Farmaajo oo furay Kalfadhiga Aqalka Sare [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM