Farmaajo oo gaarey Dooxa, lana kulmaya Amiirka Qadar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaarey magaaladda caasimada u ah Qadar, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Diyaarad qaas ah oo ay soo dirtay xukuumada Dooxa ayaa Farmaajo ka qaadey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyada oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka ah.

Wasiirada Maaliyadda, Dekadaha & Gaadiidka Badda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Maryan Aweys Jaamac iyo diblumaasiyiin kale ayaa qayb ka ah wafdiga Madaxwayne Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa ku macneysa ujeedada socdaalka madaxwaynaha mid shaqo oo lagu adkeynayo cilaaqaadka labada dal.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu kulan la yeesho Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, kaasi oo ay ka wada xaajoon doonaan arrimo badan oo quseeya labada dowladood.

Waa safarkii 5aad oo Madaxwayne Farmaajo uu dibada ugu baxo kaliya bishaan Febraayo gudaheeda, iyada oo booqashooyinkii ugu dambeeyay uu ku kala bixiyey; Ethiopia, Burundi, Jabuuti iyo Masar.

Inta badan safarada Farmaajo ayaa la sheegaa in ay yihiin kuwa lagu xoojinayo cilaaqaadka dalka uu u safrayo, iyada oo uusan jirin xiriir xun oo kala dhaxeeya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa xilligii ololaha dooraashadii 2017 ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh safaradda badan, isagoo markaasi balan qaadey inuu yareyn doono safarka hadii la doorto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM