Farmaajo oo gaarey Dooxa, lana kulmaya Amiirka Qadar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaarey magaaladda caasimada u ah Qadar, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Diyaarad qaas ah oo ay soo dirtay xukuumada Dooxa ayaa Farmaajo ka qaadey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyada oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka ah.

Wasiirada Maaliyadda, Dekadaha & Gaadiidka Badda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Maryan Aweys Jaamac iyo diblumaasiyiin kale ayaa qayb ka ah wafdiga Madaxwayne Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa ku macneysa ujeedada socdaalka madaxwaynaha mid shaqo oo lagu adkeynayo cilaaqaadka labada dal.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu kulan la yeesho Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, kaasi oo ay ka wada xaajoon doonaan arrimo badan oo quseeya labada dowladood.

Waa safarkii 5aad oo Madaxwayne Farmaajo uu dibada ugu baxo kaliya bishaan Febraayo gudaheeda, iyada oo booqashooyinkii ugu dambeeyay uu ku kala bixiyey; Ethiopia, Burundi, Jabuuti iyo Masar.

Inta badan safarada Farmaajo ayaa la sheegaa in ay yihiin kuwa lagu xoojinayo cilaaqaadka dalka uu u safrayo, iyada oo uusan jirin xiriir xun oo kala dhaxeeya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa xilligii ololaha dooraashadii 2017 ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh safaradda badan, isagoo markaasi balan qaadey inuu yareyn doono safarka hadii la doorto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM