Farmaajo oo gaarey Uganda, kana qeybgalaya shir berri furmaya

Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa gaarey magaaladda Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Wafdiga uu hogaaminayo Farmaajo ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda wadankaasi.

Farmaajo ayaa ka qaybgeli doona "shirka Afrika hadda" kaasoo maalinta berri oo Talaado ah furmi doona.

Shirka oo labo maalin soconaya ayaa looga hadlayaa isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.

Hogaamiyaasha shirka kasoo muuqan doona waxaa kamid ah; Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika, Yoweri Museveni iyo Cyril Ramaphosa.

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenadda Kenya, William Ruto, iyo Tanzania, Marwo Saamiya Xasan Suluhu ayaa kulanka lagu martiqaaday oo khudbad ka jeedin doona.

Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof ayaa si lamid ah shirka lagu casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM