Farmaajo oo "gabaad siinaya eedeysaneyaasha kiiska Ikraan"

Image
Mucaaradka ayaa rumeysan in saddexdan ruux ee ku lugta leh qadiyadan "ay hoosta uga madaxweynaha waqtigu ka dhacay".

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu cambaareeyay talaabooyinka madaxwegnaha waqtigu ka dhacay Farmaajo uu gabaadka ku siinayo "eedeysaneyaasha loo haysto" kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka 10aad, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayay cod dheer uga digeen isku dayada uu kusoo nooleynayo Aqalka Hoose.

Isku-dayadaas ayay ku sifeeyeen in ay yihiin "kuwa carqaladeynaya cadaalad u raadinta Ikraan isaga oo horey muddo kororsi laba sano dalka halis ugu geliyay colaad sokeeye".

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa sababay khilaaf ka dhex-qarxay hogaanka dalka. Madaxwaynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa ku maagay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble in uu eryay taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, musharax madaxwayne oo Jimcadii muuqaal soo duubay, ayaa sheegay in "taliska Farmaajo wuxuu doonayaa in uu kiiska Ikraan si ola-kac-ah ugu carqaladeeyo doorashooyinka".

Guuleed ayaa inta oo hadlaayey marnaba soo hadal-qaadin Fahad Yaasiin oo ah eedeysanaha koowaad ee lagu tuhunsan yahay kiiska haweenaydan ka waayey in ka badan laba bilood kahor.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Rooble uu maanta kulan uga furmay Villa Soomaaliya, iyadoo ay dhex-dhexaadinayaan hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen.

Fahad, oo ah gacanta midig ee Farmaajo, Kulane-jiis, madaxa siyaasada iyo ammaanka hay'ada mukhaabaraadka, iyo Yaasiin Farey, taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir, ayaa ah shaqsiyaadka sidda weyn loo tuhunsan yahay.

Farmaajo ayaa Fahad ka dhigay lataliyaha sirdoonka qaranka, Yaasiin Farey ayuu u dalacsiiyey madaxa hay'ada mukhaabaraadka, halka Kulane-jiis uu Fahad u magacaabay madaxa NISA ee arrimaha siyaadda iyo ammaanka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM