Farmaajo oo guddi baaritaan u magacaabay kiiska Ikraan

Image
Dad badan ayaa talaabadan ku sifeeyay in madaxweynaha waqtigu ka dhacay la wareegay qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Farmaajo u magacaabay Guddi Qaran oo ay horkacayaan Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daahfuran lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa magacaabay guddigan ka kooban shan xubnood

Warar hoose oo Garowe Online helayso ayaa sheegaya in tallaabadan ay qeyb ka tahay qodobada Farmaajo iyo Rooble ka heshiiyeen, oo ah in aan la siyaasadeyn kiiskan Ikraan, sidda lamid ah kuwii hore oo arinta C/rashiid Janan ay ugu horeyso.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u dalacay dood qaran, sida uu Axadii shalay ahayd shaaca ka dhigay xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo meesha ka saarey uu siyaasad ku lug leeyahay.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo wuxuu gabaad-u-siinayaa eedeysaneyaasha kiiska Ikraan Tahliil Faarax waa in ay jirto sir laga hayo, sida uu sheegay Jeneraal Cabdalla Cabdalla.

Cabdalla oo horey u soo noqdey taliye ku xigeenka hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku daabacay in Fahad uu horey ugu goodiyey Farmaajo in uu sirtaas kashifayo.

Xiisada ka dhalatay kiiskan ayaa gaartey in ay ku kala qeybsamaan hogaanka dalka iyadda oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha gal-dacwadeedkan.

Ikraan oo ahayd xubin sare oo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka ayaa la waayey wax ka badan laba bilood kahor. Hay'addu waxay sheegtay in ay Al-Shabaab dishay hase ahaatee qoyskeedu kuma qancin sheegashadaas.

Hoos ka akhriso qoraalka magacaabida

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM