Farmaajo oo hogaamiyeyaal kula kulmay Addis Ababa

Image
Madaxdan ayaa Addis Ababa waxay u tageen caleema-saarka ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa wuxuu kulamo kala duwan wuxuu Addis Ababa kula yeeshay hogaamiyeyaal dhowr ah.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo dhowaan mar kale loo caleema-saaray in uu shanta sano ee soo aadan leeliyo dalkaas, ayaa kamid ah madaxda uu sida gaarka ah ula shiray.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Farmaajo iyo Abiy ayaa kawada arrin-saday arrimo ay kamid yihiin daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka AlShabaab.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula qaatay Ra'iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada AlShabaab," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa is-arag la yeeshay Yoweri Museveni oo hogaamiya Uganda kaasoo dhowaan sheegay in Soomaaliya uu hayo wax uu ugu yeeray "Aids siyaasadeed".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiri argagixisada," ayuu tibaaxay.

Madaxdan ayaa Addis Ababa waxay u tageen caleema-saarka Abiy Axmed. Dad badan waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu socdaalkan u noqon karo kii ugu dambeeyay isaga oo madaxwayne ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 05:28PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Guul Muhiim ah ka Gaaray Dagaal Daacish

Tani waa qayb ka mid ah dagaalkooda 25 sano ah ee ay kaga hortagayaan kooxaha argagixisada ee soo galaya xuduudaha Puntland.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 04:58PM