Farmaajo: Faragelin shisheeye ayay wax noogu hagaag la' yihiin
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtida maanta ah hortagay mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka waqtiga ka dhamaadey.
Guddoomiye Maxamed Mursal Cabdi Cabdiraxmaan Aayaa fadhiga golaha Shacabka ka saarey Senatoradii taageersanaa Villa Soomaaliya ee ka hor-yimid go'aankii Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Mursal oo ka hadlay fadhigaas ay saxaafada dibad-joogka ahayd saacado ayaa ogeysiiyey Xildhibaanada in isu-imaatinkooda uu daaran yahay dhageysiga hadal-jeedinta Farmaajo "balse aanu jirin muddo kordhin".
Afhayeenka Aqalka Hoose oo kulanka furay ayaa tibaaxay in ajendaha kulanka uu yaahy "Xaaladda guud ee waddanka iyo doorashooyinka 2020-21" ee is-faham-waaga xoogan uu ka taagan yahay tan iyo bishii hore.
Bilowga hadal-jeedintiisa kadib mahadcelinta, Farmaajo oo xubnaha taageersan ay fadhiga buux-dhaafiyeen ayaa carabka ku dhuftay "in Soomaalida ay yihiin dad buuxa lana dhageysan waxa ay sheegayaan shisheeyaha".
"Xaaladda aan ku jirno iyo warbixinta aan idin siinayo ma ahan xaalad u taala muxaafid iyo mucaarad, waa wax naga wada dhaxeeya oo masiiri ah. Sacab iyo qaylo sax ma ahan. Go’aan baa noo wada yaala," ayuu yiri Farmaajo kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada xaadiray fadhigan aan caadi ahayn ay bilaabeen in ay ku ooriyaan/buuqaan.
Dowladiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay diyaar u tahay dhaqan-gelinta heshiiskii 17-kii September, isaga oo baarlamaanka waydiistay in ay kusoo biiraan dedaaladda xalka loogu raadinayo is-faham-waaga jira.
Intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray, Farmaajo ayaa dhowr jeer wuxuu ku celceliyey in dowladiisa ay tanaasul badan ka sameysay arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 18-kii September.
Madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland ayuu ku eedeeyay in ay xudun u yihiin khilaafka taagan "balse waxaa jirta rajo aan xal ku gaari karno hadii aan mar kale isku soo laabano".
"Guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka xaqiiqatan waxaa ku jirta faragelin shisheeye. Aniga ma oranayo gobol hebel ayay ku badan tahay fargelinta. Laakiin xaqiiqatan faragelintaas ayay wax noogu hagaag la' yihiin," ayuu madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ku daray Farmaajo.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay "in uusan jiri doonin firaaq dastuuri ah". Balse ma sharaxin qaabka ay ku dhici doonto maadaama xil-heyntiisa dastuuriga ay ku eg-tahay 8-da Febraayo oo Isniinta ah.
GAROWE ONLINE