Madaxda Soomaalida oo mar kale ku kulmaya Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyey shir kale oo caasimadda Puntland ee Garowe ku dhexmaraya madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, wadahadaladda oo bilaananaya 15-ka Febraayo waxaa diiradda lagu saarayaa xal u helida khilaafka ka jira doorashooyinka 2020-21.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir," ayaa lagu yiri qoraalka

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Shaacinta Farmaajo ee kulankan ayaa ka dambeysay kadib dedaalo ay Beesha Caalamka sameysay maalmihii lasoo dhaafay kadib burburka wadaxaajoodyadii Dhuusamareeb.

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa xudun u ahayd fashilka shirka Dhuusamareeb waxaana Farmaajo uu tanaasul balaaran ka sameyn waayey is-mari-waaga ay Villa Soomaaliya abuurtay. Xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada la isku hayo waxay kamid yihiin arrimaha shirka hareyn doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM