Farmaajo oo iclaamiyey shir xilli uu wajahayo eedeymo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay faafisay Villa Soomaaliya, madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa maamulada iyo gobolka Banaadir isugu yeeray shir furmaya 22-ka Maarso 2021 "kaasoo lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka".

Dhawaqa Villa Soomaaliya ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ay ka digtey carqaladeynta qabsoomida wadaxaajoodyadda xalka loogu raadinayo is-faham-waaga coddeynta 2020-21.

Puntland, Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare iyo Musharaxiinta ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu is-hor-taagan yahay wadahadalada islamarkaana maamuladda taabacsan uu ku riixayo in aysan aqoosan shirka ay qabanqaabisay Beesha Caalamka.

Qoraalka Villa Soomaaliya oo Farmaajo lagu soo xigtey ayaa mar kale waxaa lagu soo hadal-qaadin musharaxiinta oo doonaya in ay kaalin ku yeeshaan wadahadaladda.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa la raaciyey: "Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020".

"Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Tan iyo todobaadkii lasoo dhaafay, madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo u yimid wadahadaladda xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada, balse Farmaajo wuxuu maamulada taabacsan ku cadaadiyey in aysan kusoo biirin.

Shirkan uu iclaamiyey ayaa u muuqda isku-day kale oo uu ku carqaladeynayo shirka lagu waddo in uu dhaco maalinta Isniinta ee todobaadkan kaasoo qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku tagey Muqdisho

Heshiiska Ankara ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta xiriirka labada dal, isagoo dhameystiraya wadahadallada iyo iskaashiga gobolka.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 08:54AM