Farmaajo oo isku diyaarinaya Safar kale oo Dibada ah [Dalka uu booqanayo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa isku diyaarinaya socdaal kale oo dibadda ah, xili uu maalin kahor kasoo laabtay booqasho saddex maalmood qaadatey oo uu ku tagey wadanka Eritrea.

Safarkan ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ugu ambabaxo maalmaha soo aadan dalka Suudaan, sida laga soo xigtay Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maclin Nuur, oo la hadlay warbaahinta Suudaan.

Wafdi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona magaalada Khartoum, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhigiisa Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, oo ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyagoo kala saxiixan doona heshiisyo cusub.

Tani ayaa noqonaysa booqashadii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tago dalka Suudaan tan iyo markii uu xilka Madaxweyne-nimo loo doortay 8-dii Febuary, 2017-kii. Bishii October ee sanadkii 2017-ka ayuu Farmaajo booqday Suudaan.

Villa Soomaaliya wali fahfaahin kama bixin socdaalka Farmaajo ee Suudaan oo kamid ah dalalka carbeed ee dhinacyada amniga iyo waxbarashada ka taageera Soomaaliya, iyadoo labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM