Farmaajo oo ka degay Jabuuti kadib socdaalkiisa Burundi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa wadanka Burundi, ayaa caawa ka degay magaalada Jabuuti halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan safaarada Soomaaliya ee halkaasi ayaa soo dhaweeyay wafdiga Farmaajo oo ay ku jiraan wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidamada.

Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha warbaahinta xafiiska Farmaajo ayaa u sheegay warbaahinta in ujeedka safarku uu daaran wadahadalo ay ka yeeshaan hogaamiyaasha labada dal xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

"Labada madaxwayne waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka oo Jabuuti iyo Soomaaliya aaney ka maarmin in ay iska taageeraan," ayuu Axmed yiri xili uu saxafiyiinta la hadlayey.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho). 

Jabuuti ayaa qayb ka ah dalalka ciidamada ku taageeray howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, kaasi oo Somalia ka socda in ka badan tobban sano, inkasta oo aanu gaarin wax guulo ah oo la taaban karo.

"Jabuuti waxay kaalin mug leh ay ka qaadaneysaa nabada Soomaaliya, marka intaasi ayaanu u nimid," ayuu Afhayeenku hadalkiisa ku daray, isaga oo aan sharaxaad ka bixin inta uu qaadanayo socdaalka.

Djibouti qayb kama ahan Iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo ay isku afgarteen dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyada oo xukuumadda Muqdisho lagu dhaliilay in ay hareer-martay Jabuuti oo garab taagneed tan iyo burburkii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM