Farmaajo oo ka hadlay doorashooyinka Jubaland iyo Galmudug

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashooyinka madaxtinimada Galmudug iyo Jubbaland.

Doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sida uu qabo dastuurka maamulkaasi waxa ay qabsoomeysaa bisha Julaayo ee sanadkaan 2019.

Hasayeeshee, hogaanka dowlad goboleedkaasi ayaa ka biyo diidan arrinkaasi, iyaga oo sameystay mudo kororsi aan laga soo dhaweyn Muqdisho iyo Cadaado.

Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Sheekh Shaakir ayaa sheegay in coddeynta ay qabsoomeysa sanadka 2020-ka.

Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Agoosto, xili ay ku tartamayaan musharaxiin uu kamid yahay madaxwaynaha talada haya ee Axmed Madoobe.

Balse madaxwayne Farmaajo ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in doorashooyinkaasi aysan ka dib-dhicin waqtigii loo asteeyay inkasta oo ay shaki ku jirto tan Galmudug.

"Waxaan bogaadinayaan doorashooyinkii ka qabsoomay Koonfur Galbeed iyo Puntland … Waxaan kalo rajeynayaa in Galmudug iyo Jubbaland ay ku qabsoonan doorashooyinkooda xiligii loo asteeyay," ayuu ka yiri furitaanka Kal-fadhiga ee Gollaha Shacabka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay xusul-duub ugu jirto in doorashada Galmudug uu kusoo baxo murashax ku feker ah xili ay heshiis la gaartay Axmed Madoobe.

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili aysan wax natiijo ah kasoo bixin shir magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo hogaanka Galmudug. [Halkaan ka akhriso warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM